Basaaskii ugu xirfadda badnaa Al Shabaabka Muqdisho oo xukun adag lagu riday

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday nin dhallinyaro ah oo lagu helay in uu basaas u ahaa dagaalyahanada Al Shabaab , waxaana ninkan lagu tilmaamay basaas xirfad sare lahaa.

Ciidamada Amniga ayaa bishii November ee sannadkii tegay bartamaheedii kasoo xiray xaafadda Oodweyn ee degmada Dayniile, Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow oo loo haystaa in uu Alshabaab u qaabilsanaa howlaha basaasnimada.

Ninkan ayaa xilliga ay ciidamada qabanayeen waxaa laga helay agabyo casri ah oo basaasnimada loo adeegsado oo ay kamid ahaayeen , ookiyaalo caamiro leh, boortakiyaabo wax lagu duubi karo,Camero, Drone camera,flash camera, qalabka dhagoolayaasha oo wax lagu dhageesan karo iyo sidoo kale  Modam Internet iyo Telephono.

Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale sheegtay in ninkan uu lahaa gaari uu ugu shaqeeyo qaab tagsi ah sidoo kale horey u ahaan jiray wade mooto bajaaj kana soo shaqeeyay goobo kala duwan sida goobaha daabacada iyo goobaha tigishada diyaaradaha lagu jaro.

Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow ayaa xafiiska xeer ilalainta ee maxkamadda ciidamada cadeeyeen in uu xeriir gaar ah lalahaa u qaabilsanaha kooxda Al shabaab uu u qaabilsanaa Arrimaha Dibadda.

Maxkamadda Ciidamada ayaa maanta ku xukuntay Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow  15-sano oo xabsi ciidan ah, waxa ay sidoo kale maxkamada siisay fursad ninkan xukunka lagu riday uu racfaan uga qaadan karo xukunka ku dhacay.

- Advertisement -